Waxay u baahan tahay karti badan inaad qirato in habdhaqankaagu u baahan yahay inuu isbadelo.
Boggan waxa uu sharxayaa sida aan kaaga caawin karno safarka aad ugu jirto inaad noqoto qofka ugu fiican, lammaane fiican, aabe fiican ama xubin ka tirsan qoyska oo aad u fiican.
Isweydii adigu:
- Weligay ma ku qayliyey xubin qoyska ka mid ah?
- Weligay gacan ma ku saaray, ma dharbaaxay, ma laaday, ma riixay ama makala tuuray xubin qoyska ka mid ah – ama mau hanjabay?
- Weligay ma ugu yeedhay xubin qoyska ka mid ah magacyo xun ama magacyo aflagaado ah? Si joogto ah miyaan u dhaleeceeyaa iyaga?
- Weligay ma ka hor istaagay lamaanahayga inay lacag u isticmaalaan wax ay iyagu doonayaan?
- Waligey ma baqdin geliyay qof ka tirsan qoyska?
- Weligay wax ma ku tuuray hortooda ama qof ka tirsan qoyska wax maku tuuray, sida muraayad, kursi ama timuutka tv-ga?
- Waligey cadaadis maku saaray lamaanahayga inay ila sameeyaan wax galmo ah oo aysan rabin?
- Weligay ma isku dayay inaan ka hor istaago lamaanahayga inay sameeyaan wax ay rabeen inay sameeyaan? (tusaale ahaan, inay banaanka isu raacaan saaxiib, inay shaqeystaan, inay wax bartaan)
- Weligay ma ugu hanjabay lamaanahayga LGBTIQA+ ah inaan dibeda u saarayo?
Haddii aad haa kaga jawaabtay mid ka mid ah su’aalahan, adeegyadayada hoose ayaa ku caawin kara.
Adeegga Gudbinta Ragga (Men’s Referral Service) – 1300 766 491
Waxaa la heli karaa 24 saacadood, 365 maalmood sanadkii
Adeegga Gudbinta Ragga (The Men’s Referral Service – MRS) ayaa ku siin kara la-talin iyo macluumaad ku saabsan barnaamijyada beddeli kara dabeecadda, barnaamijyada waalidnimada, khamriga iyo barnaamijyada kale ee daroogooyinka, taageerada caafimaadka iyo adeegyada hoyga ee ka jira deegaankaaga.
Adeegaan waxaa la heli karaa 24 saac, todobada maalmood isbuuca, sanadka oo dhan – markaa caawimo ayaa la heli karaa mar kasta oo aad u baahato.
Adeegga Gudbinta Ragga yuu taageero siiyaa?
- Ragga lahaan jiray ama leh dhaqamada xun si loo beddelo dhaqankooda.
- Xubnaha qoyska ee ay saamaysay dhaqan xumada ninka.
- Saaxiibada, qoyska ama asxaabta dadka isticmaala dhaqamada rabshadaha leh, ama la kulma rabshadaha guriga iyo qoyska, oo raba inay fahmaan sida u caawin karaan dadkaas.
- Xirfadlayaasha raba inay taageeraan macmiilka isticmaalaya ama la kulma rabshadaha.
Markaad wacdo Adeegga Gudbinta Ragga:
- Waxaad ahaan kartaa qof aan aan la aqoon
- Waa lagu dhagaysan doonaa waxaana laguula dhaqmi doonaa si ixtiraam leh
- Waxaad heli doontaa macluumaad ku saabsan adeegyada deegaanka ee kaa caawin kara inaad dhanka isbedelka dhaqankaaga u qaaddo tillaabooyinka xiga.
Si aad u hesho taageero wac 1300 766 491. Waxaad sidoo kale isticmaali kartaa adeegga lacag la’aanta ah ee Fasiraada iyo Turjubaanka (Translating and Interpreting Service – TIS National) ama boggeena lagu wada sheekaysan karo (webchat) si ay kaaga caawiyaan inaad la xiriirto adeegga.
Adeegga Faragelinta Kooban (Brief Intervention Service)
Adeegga Faragelinta Kooban (The Brief Intervention Service – BIS) waa barnaamijka ku talo-siin khadka telefoonka ah oo heer qaran ah kaas oo ku caawin kara haddii aad sugayso inaad hesho barnaamijka wax looga badelayo dhaqanka ninka. Waxay kale oo ay ku caawin kartaa haddii aan barnaamij laga helin meesha aad ku nooshahay, ama haddii aadan ku hadlin luuqada Ingiriisiga.
Adeegga Farogelinta Kooban waa barnaamij taageero taleefanka ah oo muddo kooban kaas oo dhaca dhowr kalfadhi. Barnaamijku wuxuu kaa caawin karaa:
- inaad fahamto hab-dhaqankaaga
- inaad sahmiso sida aad u baran karto in aad qaadato masuuliyada dhaqamadaada
- inaad barato habab cusub oo aad u sameysan karto xiriir badbaado iyo caafimaad aadna ku dhisi karto qoysas ammaan ah.
Haddii aad doonayso inaad hesho Adeegga Faragelinta Kooban, waxaad u baahan doontaa inaad marka hore ka wacdo Adeegga Gudbinta Ragga 1300 766 491. Lataliye ayaa dhageysan doona sheekadaada ka dibna kaa caawin doona inaad hesho Adeegga Faragelinta Kooban.
Waxaad sidoo kale isticmaali kartaa adeegga lacag la’aanta ah ee Fasiraada iyo Turjubaanka (Translating and Interpreting Service – TIS National) ama boggeena lagu wada sheekaysan karo (webchat) si ay kaaga caawiyaan inaad la xiriirto adeegga.
Baraayfasigaaga iyo sirahaaga
Adeegga Gudbinta Ragga iyo Adeegga Faragelinta Kooban waxaa maamula Rabshadaha Maya (No to Violence – NTV). Rabshadaha Maya (No to Violence) waxaa ka go’an in ay bixiso adeeg tayo leh iyo ilaalinta xuquuqda dhamaan dadka isticmaala adeegyadeena.
Sida uu dhigayo Sharciga Baraayfasiga ee 1988 (Cth), No to Violence ayaa loo baahan yahay si aan kuu siino macluumaad ku saabsan sida aan u isticmaali doono xogtaada gaarka ah. Macluumaadkaagu sir ayay ahaan doonaa iyo qarsoodi si haddii aanu jirin walaac la xidhiidha amnigaaga ama amniga dadka kale, ama inuu sharcigu na farayo in aan wadaagno macluumaadkan mooyee.
Marka aad nala soo xidhiidho, waxaa lagu weydiin doonaa inaad ogoshahay in macluumaadkaaga gaarka ah la isticmaali karo si aan kuu caawino. Macluumaadka guud ee ku saabsan dadka helaya adeegyadayada ayaa laga yaabaa in loo isticmaalo qaab cilmi-baadhis iyo warbixin ah – tusaale ahaan, tirada dadka ka soo wacaya dawlad-goboleed kasta ama territori kasta. Wicitaankaaga waa la duubi doonaa waxaana laga yaabaa in loo isticmaalo ujeeddooyin la xiriira tayo iyo tababar.
Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xuquuqda aad leedahay iyo mas’uuliyada ku saaran iyo si aad u akhrido sharciyada khuseeya barayfasiga fadlan booqo https://ntv.org.au/about-us/privacy/. Waxaad sidoo kale heli kartaa macluumaad ku saabsan sida aad usoo gudbin karto ra’yigaaga ama aad cabasho u sameyn karto.
Sida loo helo Adeegga Fasiraada iyo Turjumaada (Translating and Interpreting Service – TIS National)
Adeegga Fasiraada iyo Turjumaada (TIS National) waa adeeg lacag la’aan ah oo ku caawin kara haddii aadan ku hadlin luuqada Ingiriisiga aadna rabto inaad la xiriirto Adeegga Gudbinta Ragga.
Si aad u isticmaasho adeega qaranka ee TIS:
- Ka wac 131 450 taleefankaaga
- Usheeg xiriiriyaha luqadda aad u baahan tahay
- Haddi aad rabto, dooro turjubaan rag ama dumar ah midkaad doorbidayso (waxayna ku xiran tahay in la heli karo iyo in kale).
Qofka kuu xiriirinaya wuxuu kugu xidhi doonaa tarjubaan ku hadla luqadaada, si uu kaaga caawiyo inaad la xidhiidho Adeegga Gudbinta Ragga.
Haddii aad isleedahay wada-hadalkaagu wuxuu socon doonaa in ka badan 30 daqiiqo, fadlan u sheeg turjubaanka si laguugu qabto ballan dheer.
Qebta lagu wada sheekaysto ee bogga internet ka (webchat)
Waxaad isticmaali kartaa Shabakaddayada (webchat) Adeegga Gudbinta Ragga haddii aad doorbidayso inaad la hadasho la-taliye adoo isticmaalaya foom online ah.
Marka aad gujiso linkiga, foomka webchatka wuxuu si toos ah uga furmayaa bogga mareegaha. Kaliya geli faahfaahintaada oo ka sug jawaab adeegga.
Fadlan ogow in webchatkayaga lagu heli karo luuqada Ingiriisiga oo keliya. Haddii aad ku kalsoon tahay aqriskaaga iyo qoraalkaaga luuqada Ingiriisiga, waxa laga yaabaa inay tani kugu habboon tahay.
Boggaan la tarjumey iyo adeegyada halkan ku qoran waxaa maalgelisey Waaxda Adeegyada Bulshada ee Dowladda Australia.